KASHIFAAD: 4 bil oo mushaar la’aan ah: Lacagtii DF Somalia oo loo wareejiyey 2 qorshe oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkasta oo dhowr dowladood oo ay ku jiraan Qadar iyo Imaaraadka ay bilihii dhowaa malaayiin dollar oo kaash ah siiyeen dowladda Soomaaliya, ayaa haddana shaqaalaha dowladda waxay ay mushahar la’aan yihiin afar bil oo xiriir ah.

Shaqaale la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inaysan garaneyn waxa musharakooda ay dowladda u bixin la’dahay muddo afar bil ah.

“Hal toddobaad oo kaliya ayaa ka haray ramadaanka, welina xaalkeena waxa uu joogaa heer aad u liito” ayuu yiri shaqaale dowladeed oo Caasimada Online la hadlay.

Caasimada Online waxa ay xaqiijin kartaaa in labadii bilood ee ugu dambeeyay ay dalalka Imaaraadka iyo Qadar min 20 milyan oo dollar oo kaash ah ay siiyeen madaxweyne Xasan Sheekh, balse si kale lacagtaas loo maareenayo.

Lacagtaas waa midda sida gaarka ee shaqsiga loogu gacan geliyey madaxweynaha, hase yeeshee daqliga caadiga ah ee dowladda soo galay waa lacag dhan 31 milyan oo dollar saddexdii bil ee lasoo dhaafay, sida xubno lagu kalsoon yahay ay noo sheegeen.

“Dhammaan dhaqaalihii dowladda waxaa la isugu geynayaa sidii maamulka gobollada dhexe loogu dooran lahaa Cabdikariin Guuleed iyo doorashada soo socota ee 2016 ee dalka” ayuu yiri qof xog ogaal ah oo ku sugan Villa Somalia.

“Hal sano oo kaliya ayaa xilka Xasan Sheekh ka hartay iyo xoogaa bilo ah, wuxuuna hadda lacag uruursi u billaabay doorashada xigta” ayuu sii raaciyey.

Aqoonyahanada ayaa ka digaya in mushahar la’aanta dowladda iyo ciidamada ay sababi karto musuq maasuq iyo amni la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com