Xog: Xasan Sh. oo iska indha tiraya go’aankii BF ee JuBbaland (Maxaa ka dhacay Villa SOMALIA?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaarayo Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu xafiiskiisa kulamo gaar gaar ah kula qaatay tiro yar oo Xildhibaano kasoo jeeda Deegaanada uu Maamulo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Ujeedka kulanka oo ahaa mid xal hordhac ah looga gaaraayay xiriirka sii xumaanayo ee ka dhexeeya DF Somalia iyo Maamulka Jubbaland, waxa uun Madaxweyne Xassan Xildhibaanadaasi ka codsaday in ay dhex galaan labada dhinac.

Madaxweynaha oo ka duulaayo hadalkii kasoo yeeray Maamulka Jubba ee ka dhashay kala dirista Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa waxa uu Xildhibaanada ku baraarujiyay inay gaaran Kismaayo oo ay wada hadal la furaan Maamulka inta laga howlgalinaayo gudi gaar ah oo loo xil saaray qaboojinta xasarada taagan.

Mid kamid ah Xildhibaanada kulanka xaadiray ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan uu u qeybiyay laba qeyb qeybta koowad ay goordhow gaari doonaan Kismaayo, halka qeybta labaadna ay ku biiri doonaan gudiga loo xil saaray xalinta tabashada Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa soo dhaweeyay dalabka kaga imaaday dhanka Madaxweyne Xassan waxa ayna u balanqaaden inay waxbadan ka bedeli doonaan go’aanka ay qaaten Mas’uuliyiinta Jubbaland.

Waxaan la ogeyn go’aanada kasoo bixi doona kulanka la filaayo inay wada qaatan Xildhibaanada uu xulay Madaxweyne Xassan iyo Maamulka Jubbaland.

Tallaabada Xasan ayaa xildhibaanada taageeray mooshinkii sharci darreeyey baarlamanka Jubaland waxa ay u arkaan mid uu madaxweynaha isaga indha tirayo go’aankii baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com