Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday sarkaal sare oo Al-Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku ridday Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) oo kamid ahaa saraakiisha Al-Shabaab, kaas gacanta dowladda soo galay bisha July ee sanadkan 2023-ka.

Xaashi ayaa lagu soo eedeeyay inuu kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, gaar ahaan Lacagaha baadda ah ee deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ninkan ayaa Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn.

Sida ay sheegtay Maxkamadda waxaa Xaashi Garaad isaga oo dhaawac ah laga soo qabtay howlgal ka dhacay agagaarka deeganka Baraak Ciise, halkaas oo lagu dilay nin kale oo la socday, waxayna wateen laba qori Ak47 ah iyo mooto Fikon ah.

Sidoo kale Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Xaashi oo sidoo kale loo yaqaano Yaxye uu bishii mushaar ahaan u qaadan jiray $150-200.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday labatankii bishaan.

Intaasi kadib Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) 10 sano oo xabsi ciidan ah sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso xubnaha Al-Shabaab ee soo galay gacanta dowladda, kadib markii la kordhiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalkeenna Soomaaliya.