Sawirro: Doodishe oo ka degay Doha xilli aan weli rasmi laga dhigin magacaabistiisa

Dooxa (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Doodishe oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhi doona dalka Qatar, ayaa gaaray dalka Qatar, waxaana warqadaha aqoonsiga looga guddoomay magaalada Dooxa.

Wasiirkii Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Doodishe ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gubdiyay madaxda dalka Qatar.

Waxaa shalay warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalka Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi.

Wasiirkii hore ee Amniga ee hadda noqday Safiirka ayaa dhowaan loogu hambalyeeyay magacaabidda danjirenimo, iyadoo aanay si rasmi ah u soo bixin magacaabidiisa.

Sidoo kale waxaa jira safiiro kale oo uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida Safiirka cusub ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle oo bedelay Danjire Tarsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska jooga sanad iyo 8 bilood ayaa bilaabay magacaabidda safiiradii bedeli lahaa kuwii uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida.