MADOOBE OO DAGAAL KU HANJABAY

Baydhaba (Caasimada Online) – Kadib Markii axaddii kulan ka dhacay Madaxtooyada Somalia oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta sare ee Dowladda lagu aqoonsaday maamulka saddexda gobo lee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa iminka soo baxayaa cawaaqib xummada tallaabadaas.

Garabka lixda gobo lee maamulka Koonfur Galbeed, oo magaceeda lagu been abuurtay, ayaa waxa ay sheegayaa in in dagaal lagali donaan maamulka saddexda gobol.

C/laahi Maxaxmed Idiris Leeska oo ah wasiirka Gadiidka ee maamulka Lixda Gobol ayaa wareysi uu siiyay Dalsan Radio waxa uu ku sheegay in agabi ahaanba ay kasoo horjedaan heshiiiskaas islamarkaana aysan jirin cid ku mataleysay.

Waxa uu tilmaamay C/Fitaax Geseey oo dhinacooda matalayay in uu yahay shaqsi ay kal hore xilka ka qadeen, islamarkaana uusan iyaga ka tirsaneyn.

“Madaxweyne Madoobe Nuunow si cad ayuu u diiday heshiiska, waxaana ka go’an inuu la dagaalamo kooxda saddexda gobol” ayuu yiri Leeska.

Waxa inay la dagaalami donaan hadii maamulkaas uu isku dayo in uu tago magaalada Baydhaba oo xarun u ah maamulka lixda gobol, islamarkaana xiligaanba ay wadaan abaabul dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com