USA: Magaalo laga diiday Soomaalida !!

 Springfield(Caasimada Online) – Duqa magaalada Springfield ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday wasaarada arimaha dibada Mareykanka inay joojiso dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee magaalada uu maamulo.

Domenic Sarno ayaa sidoo kale sheegay liiska duq magaalooyin badan oo dowlada horay ugu canaantay barnaamijka dib u dajinta sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna dalbaday in la joojiyo arintaasi.

Duqa magaaladaasi ayaa warqad qoraal ah u diray waaxda arimaha dibada ee Mareykanka , isagoo ku dalbanayay in qorshe cad laga keeno dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee magaalada Springfield.

Hadalka duqa magaalada ayaa yimid markii ay soo baxday qorshe ah 70 inka badan oo Soomaali ah oo la doonayo in la dajiyo sanadka xiga magaaladaasi, isagoo intaasi ku adan in ku dhawaad 380 qaxooti oo ka tagay dalalka Africa ay ku nool yihiin magaaladaasi.

Warqada oo uu u diray masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiyaha gobolka Massachusetts Deval Patrick, wuxuuna sheegay in dalabkiisa uu ugu wacan yahay inuu doonayo in magaalada ay ku filnaanto meeleynta qaxootiga ku sugan magaaladaasi.

“Ilaa magaalada ay ka awoodo meeleynta qaxootiga, waxaan dalbanayaa in la joojiyo dib u dajinta Soomaalida, ilaa bulshada kale ay ka aqbalayaan dadkaasi qaxootiga ah”sidaasi ayuu yiri duqa magaalada Springfield.

Soomaalida ka cararay dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya ayaa badankood waxay ku nool yihiin magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

Caasimada@live.com