Xasan “in Marko laga xukumo Baydhabo Ilmo Sheekh ayaa la weydiinaya”

Wakiilka Xisbiga Nabadda & Horumarka ee “DPD” Xasan Abduqadir Muudeey oo si kulul uga hadlay Go’aanka maalintii shalay ee Dowlada Somalia ku aqoonsatay Maamulka Saddexda Gobol ee Bay Bakool & Shabelada Hoose.

Xasan Abdukaadir Muudeey oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinta Muqdisbo ayaa sheegay in Madaxda Dalka waa Saddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dalka in ay jabiyeen Sharcigii Maamul u sameynta Gobolada Dalka waxuuna hadalkiisa ku bilaabay asagoo la hadlayay

“Waxaa nasiib daro ah in Madaxdii Dalka ay hareer mareyn qaabkii Faderelisimka ee ahaa in maamul loogu sameeyo Gobolada dalka oo ay jabiyeyn Sharcigii dalku uu la haa ee ay sameeyeyn arin aan la qaadan karin oo ah in Dhul dadkii la haa anan lagala tashan in laga qaado oo dad anan laheyn iyo maamul aan jirin loo gacan geliyo waa ayaan daro”

“Waxaa yaab leh in Magaalada Marko laga xukumo Degmada Baydhabo, halka ay kaga qoron tahayna Dastuurka Dalka waxaa la weydiinayaa arintaasi Ilmo Sheekh”

wakil

Dhanka kale Siyaasiga Xasan Abduqaadir oo ah Wakiilka Xisbiga Talada dalka haya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in wax aan suuro gal aheyn oo aanan la qaadan karin in Madaxda dalka in ay sameeyaan arin anan u cuntameynin Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan lee yahay Madaxda Dalka yaan dib loo hurinin colaadii dalkaan 23 sano la dagtay oo anan Qabaa’ilada Soomaaliyeed yaan colaad la dhex dhigin ee halaga fiirsado Go’aankaa lagu deg degay…”

“Aan horay u socono oo yanan dib naloo celin waxii aan ka soo gudubnay” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Wakiilka Xisbiga Nabadda & Horumarka ee “DPD” ee Qaarada Yurub Xasan Abduqadir Muudeey  oo haatan ku sugan Wadanka Sweden.

Isku soo wada duub hadalkani ka soo yeeray Siyaasiga Xasan Abduqaadir Muudeey ayaa ku soo beegmaya xili ay xaalad adag oo siyaasadeed ay wajaheyso Dowlada Somalia waxaana arinkani sii adkeynaya in Dowlada ay Gobolka Shabelada Hoose ay ku dartay maamulka saddexda Gobolka ee looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo oo ay dowladu aqoonsatay.