Cabdi Weli oo isaga oo aad u careysan kullan ku baaqay (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli, oo aad u carreysan ayaa kullan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirada caawa, waxaana ay ku shiree Villa Somalia.

Cabdi Weli, ayaa ka carrooday go’ankii geesinimada lahaa ee wasiirka arrimaha dibedda uu ku diiday aqoonsigii uu Cabdi Weli, oo ay gadaal ka riixayaan Puntland iyo Jubaland siiyey kooxda saddexda gobol.

Qorshaha, oo sidoo kale ay wax ka og yihiin Nicholas Kay iyo ninka gacan yaraha u ah ee reer Puntland Nuuradiin Diiriye, ayaa ah in gobollo badan oo ay dagaan beelaha Hawiye maamulkooda la siiyo beelo kale.

Cabdi Weli ayaa kullanka ka yiri ““Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii shalay ay gaareen dhinacyadii Koonfur Galbeed, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska, Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro khilaafaadkii u dhexeeyay dadka walaalaha ah”.

Hase yeeshee waxaa la yaab leh in labada koox ee la sheegayo in la heshiisiiyey uu dhinac ka mid ah madaxweynahooda sheegayo inuusan ka qeyb galin wax wada-hadal ah, waana Madoobe Nuunoow.

Ma cadda, waxa uu Cabdi Weli sameyn doono, ama tallaabada uu ku qaadi karo Goodax, maadaama beelaha Hawiye ay go’aan isku mid ah qaateen.

Kullanka caawa ayaa waxaan ka qayb galin Wasiirada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, ka gadaal markii ay Odayaasha Dhaqanku ku baaqeen inaanay xaadirin shaqada, Ilaa amar dambe.

Cabdi Weli, ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay hurinayey dagaal beeleedyo, isaga oo Kismaayo iyo marka ku hubeeyey maleeshiyo beeleedyo dagaal kula jira beelo kale, haddana aqoonsaday maamul aan meelna maamulin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muuqda nin xilkiisa ilaashanaya, sidaa darteedna ay waxba ka dhihi karin ficillada Cabdi Weli, oo xafiiska UNSOM uu taageero uga heysto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com