Go’aankii Beesha Hawiye oo sababay in baarlamanka uu kulmi waayo maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kooram la’aan u baaqday kaddib markii la waayay xildhibaanno badan, oo buuxiya kooramka.

Sababta ayaa lagu sheegay markii xildhibaannadii ka soo jeeda beelaha Hawiye ay qaadaceen ka qeybgalka kulanka maanta, waxaana ay ka dambeesay kaddib markii shaley kulan ay ku yeesheen beelaha Hawiye.

Waxaa kulanka looga dhawaaqay in xildhibaannada iyo wasiiradda ku jirra dowladda aanu tagi karin shaqadooda ilaa amar dambe, maadama dowladda ay aqoonsatay maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, oo sheeganaya gobolka Sh/Hoose ee beelaha Hawiye ay ku badan yihiin.

Waxay sheegeen in dhawaan ay kulan loo dhan yahay ay ku qaadan doonaan magaalada Marka ee xarunta maamulka Shabeelle State.

Beelaha Hawiye ayaa taageeray maamulka Shabeelle State oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Afgooye.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com