WASIIRKA arrimaha gudaha oo ka soo horjeestay aqoonsiga DF ee 3da gobol

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka soo horjeestay talaabadii dowladu ay ku midaysay maamuladii horay looga dhawaaqay magaalada Baydhabo oo ay ku aqoonsatay maamulka sadaxda gobal ka kooban ee Koonfur Galbeed.

Cabdulaahi Goodax Bare oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa BBC uu sheegay in heshiiskaasi Muqdisho lagu saxiixay uu yahay mid waxba kama jiraan ah.

“Wasaaradayda arrimaha gudaha ayaa shaqo ku leh maamulada gobalada iyo sida ay isku raacayaan, wax aan kala socdana ma jiraan.”sidaasi waxaa yiri wasiir Goodax Bare.

Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka gobalada loo aqoonsaday maamulka sadaxda gobal qaarkood inaysan haatan xor ahayn Al-Shabaana ay heestaan taasina aysan suurta gal ahayn.

“DF hada ka hor waxay aqoonsatay hal maamul kaasi oo ilaa iyo hada muran badan uu ka jiro, in hada qilaaf kale la galena wax wanaagsan maha. Wasaaradu waxay wadaa wadahadalo iyo dadaalo badan oo la doonayay in arintaan lagu xaliyo sida ugu macquulsan.”ayuu hadalkiisa ku siidaray wasiirka.

Diidmada heshiiska Mamulka Saddexda Gobal ee ka timi wasiirka arrimaha gudaha DF ayaa waxay dhabar jab ku tahay siyaasada gudaha ee Xasan Shiikh Maxamuud iyadoona horseedi karta khilaaf soo kala dhexgalay dowadda dhexdeeda.

Shalay ayay ahayd markii Muqdisho lagu qabtay y munaasabad ay ka qaybgaleen madaxda ugu saraysa DF iyo wali xubno ka tirsan beesha caalamka waxaana lagu aqoonsaday maamulka ka kooban sadax gobal oo kala ah Shabeelaha Hoose Baay iyo Bakool.

Halkan ka dhageyso wasiirka arrimaha gudaha

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com