Madoobe “Yaan la faro-galin sifaadka uu Farmaajo kusoo xulanaao kuwa u qalma shaqada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay baahiyaha uu Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo u doortay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in laga wanaagsan yahay in la dhaliilo shaqsiga uu la imaado Madaxweynaha, waxa uuna meesha ka saaray in Madaxweyne la aaminay uu la imaanaayo shaqsi xun.

Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in Ra’isul wasaaraha cusub uu leeyahay sifooyin gaara oo lagu doortay, waxa uuna cadeeyay in dalka ay wax ka qabteen kuwo aan mudneyn xitaa in laga shaqaaleysiiyo xarumaha Dowlada.

”Madaxweynaha isagaa og waxa u fiican iyo waxa u xun, waxaa lagu khasban yahay in lala shaqeeyo cida uu la imaado maadaama uu isaga kalsooni ku qabo”

”Wadankaan kuwo aad u liita ayaa wax ka noqday ama xilal loo dhiibay dadku makala xumo Cv-ga Ra’isul wasaaraha cusbna ilama xumo waxaan ku baaqayaa in lala shaqeeyo cidii uu la imaado Madaxweynaha”

Waxa uu sheegay hadii ay yihiin Maamulka Jubbaland in ay la shaqeyn doonaan Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’isul wasaaraha in uusan waxba qaban karin, hadii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka aysan la shaqeyn, sidoo kalena aysan jiri doonin Dowlad mar walba ka shaqeysa danaha shacabka.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inay la imaadan Golo Wasiiro aan u dib mari doonin Hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com