Isbedelku ma tusaale hormar! mise xasilooni-daro Siyaasadeed ?

Muqdisho – (Caasimada Online) – Madaxdii Caalamka ee ka soo qeyb-gashay xafladii caleema saarka M. Farmaajo waxey nagu amaaneyn isbedelka Dimoqraadiga Siyaasáda Somaliya 4tii sano kasta mar la bedelo Madaxweyne iyo Barlamaan, kuna dhacda si nabad, farxad iyo gacmo wada jira, shacabka iyo caallamkuna taageero ku soo dhaweeyaan, anaga oo noqonay tusaale ay Afrikaanka iyo Carabtuba ka bartaan Dimoqoraadiyada suuban.

Laakin xaqiiqa ma tahay in aan haysano Dimoqoraadiyad iyo xasilooni? Mise xiliyadii isbedelka Dimoqoraadiyada waxaan u naqaanaa xilligii; Musuqmaasuqa, dib u dhaca, dawlad xumida, dawlad la’aanta, tabar-darida, rayidka, fara gelinta shisheeye iwm.

Tusaale;  dawladii rayidka 1960 -1969, waxaa dhacay laba isbedel, Adam Cadde iyo C/risaaq oo tusaale fiican u ahaa Dimoqoraadiyada Africa iyo Carabta looma kordhin xilli kale, doorashadii ka danbeysana waxey ku dhamaatay qala-laaso iyo inqilaab Melatary.

2000 – 2017, waxaa is bedelay 5 Madaxweyne iyo 12 Raysalwasaare,  M. Farmaajo mar uu hadlay wuxuu isku daray 10 kii sano ee dagaaladii sokeeye iyo 16 kii sano ee dawladihii Dimoqoraadiga ahaa ee xukunka isugu wareejiyey si nabad iyo gacmo is qabsi ah, (dadku dhibaato ayey ku jireen 26 sano).

Waxaan dhageystay khudbadii Madaxweyne Ismaciil C. Geelle oo daacad ka ah soo noqoshada Soomali awood leh, laakin wuxuu marayaa in uu 5 Madaxweyne wax ka dhiso, waxna ka caleema saaro.

Mareykanka oo ah dawlada ugu weyn ee tusaalaha Dimoqoraadiyada iyo xorriyada laga qaato, waxey doorteen bilo ka hor Madaxweynihii 45 aad, laakin tiro yar ayaa 4 sano kaliya lagu riday kadib markii lagu eedeeyey fashil arimaha dibadda, inta badanse 8 sano ayey dhameysteen, markii ay gaareen guula Siyaasadeed.

Hadaba ma ammaan iyo tusaale ayuu noo yahay isbedelka faraha badan ee Siyaasada iyo Madaxda mise waa fashil iyo guul darro Siyaasadeed?.

Gacmo is qabsiga M. Farmaajo, Xasan iyo Jawaari ma ku dhammaan-doonaa wadaijir, xasilooni iyo guul Siyaasadeed 4 sano kadib?.

W/Q: Dr Gacal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid