Exclusive: Caasimada Online oo heshay warqaddii uu Xasan Kheyre shalay u diray Soma Oil (Aqri)

London (Caasimada Online) – Sida aan shalay qornay shirkadda Soma Oil and Gas ee ka shaqeysa sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu iska casilay xubinimadii shirkaddaas, islamarkaana la baabi’iyey dhammaan wixii saami ah ee uu shirkaddaas ku lahaa.

Xasan Cali Kheyre ayaa ahaa agaasimaha fulinta shirkaddaas ee Afrika, wuxuuna shirkadda ku lahaa saami ah 1.1% una dhigma laba milyan oo saami

Caasimada Online ayaa maanta si gaar ah (Exclusive) u heshay warqaddii Xasan Cali Kheyre uu shalay u diray madax fulinta Soma Oil and Gas Richard Anderson ee uu kaga tagay shirkadaas.

Warqaddaas ayaa ra’iisul wasaaraha magacaaban waxa uu ku sheegay in isaga oo eegaya xilka ra’iisul wasaare ee loo magacaabay uu shirkadda ka tagay, islamarkaana ka tanaasulay dhammaan wixii uu saami ku lahaa, isaga oo sidoo kalena aan dooneyn wax lacag ah oo lagu siiyo shaqadii uu qabtay.

Waxa uu Xasan Kheyre sheegay inuu go’aanka qaatay si asyan isku qaban danta dalka Soomaaliya iyo tan shirkadda Soma Oil and Gas (Conflict of interest).

Hoos ka arag warqadda ay heshay Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com