Sawirro: Farmaajo oo shirar saacado qaatay kadib guda galaaya gudashada Acmaasha..

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in maanta uu cumreysan doono ka hor inta uusan kasoo dhoofin Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale uu booqan doono Magaalada Madiina Al-munawara oo uu ku yaallo Qabriga NNKH.

Madaxweyne Farmaajo oo safarkii ugu horeeyay ku gaaray dalka Sacuudiga, ayaa gudanaya Acmaasha Cimrada, isagoo halkaasi ku nagaan doono dhowr saac oo xiriir ah.

Madaxweynaha ayaa iminka soo dhameystay howlaha uu u gaaray dalka Sacuudiga waxa uuna howshiisa kusoo idleynayaa gudashada Acmaasha Cimrada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gudashada Acmaasha Cimrada kadib kusoo laaban doona magaalada Muqdisho, si uu usii guda galo howlihiisa shaqo.