Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa wada diyaarinta Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.
Xildhibaanada Mooshinka diyaarisay ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay yihiin 50 Xildhibaan oo dooneysa in Hogaamiyaha laga qaado xilka.
Xildhibaanada ayaa sheegay inay kordhinayaan tirada Mooshin wadayaasha waxa ayna tilmaameen in go’aankooda uu yahay xil ka qaadis.
Hogaamiye Cali C/laahi Cosoble, ayay ku eedeeyeen inuu ku kacay xil gudasho la’aan, la tashi la’aan, ku takri fal awoodeed iyo inuu ku fashilmay shaqooyinka maamulka.
C/wali Sheekh Cali oo ah Afhayeenka xildhibaanada Mooshinka diyaariyay ayaa sheegay in go’aankooda uu yahay mid cad isla markaana ay xilka ka qaadi doonaan Hogaamiyaha.
Docda kale, Mooshinka ayaa salka ku haya Hanaanka loo qeybiyay Golaha Wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle, iyadoo beelaha qaar ay saluugeen Wasaaradaha loo magacaabay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

