Qunsulka Somalia ee Australia iyo New Zealand oo hambalyo u diray R/W Kheyre

Qunsulka Guud ee dowlada Federaalka u fadhiya dalka Australia mudane Yoonis Yaasiin Xaashi ayaa isaga oo ku hadlaya magaca dhammaan jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalalka Australia iyo New Zealand, waxa uu hambalyo u dirayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.

Ambassador Yonis Yasin ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha cusub yahay nin dhalinyaro ah, aqoonyahan ah, isla markaasna waajibaadka saaran si fican u gudan kara, waajibaadkaas oo ay ugu horreyso soo dhisida xukuumad tayo leh.

Mudane Ambassador Yonis  ayaa sidoo kale baaq u diray Baarlamanka Soomaaliya, isaga oo ka codsaday in ay si wada jir ah u ansixiyaan Ra’iisal Wasaaraha cusub, si uu si dhaqso leh  ugu soo dhiso xukuumad dalka u horseeda nabad, xasilooni iyo horumar.

Ambassador Yonis ayaa xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan waddamada Australia iyo New Zealand si wadajir ah u soo dhaweeyeen magacaabista Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ugu danbeyntii, Ambassador H.E Yonis Yasin  ayaa sheegay inuu ILAAHAY u baryayo inuu shaqada u fudaydiyo Ra’iisal Wasaaraha cusub.