Laba beel oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey xushmad darro iyo yasmo

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan beelaha Habar Gidir iyo Abgaal ayaa yasmo iyo xushmad darro ku eedeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay sheegeen inuu ballan been ah u dhigay.

Arrintan ayaa la xiriirta magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo labadan beel ay dadaal ugu jireen inay helaan.

Odayaal iyo siyaasiyiin lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan magacaabista Xasan Cali Kheyre, balse ay ka xun yihiin sida uu madaxweynaha ula dhaqmay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in odayaasha iyo siyaasiyiinta uu u qabtay ballan ah inuu arrinta ra’iisul wasaaraha kala hadli doono maalinta sabatida marka uu kasoo laabto Sacuudiga, dadka xilkan doonayana uu billaabi doono inuu codsiga ka qabto.

“In madaxweynaha nagu yiraahdo sabtida aan isku soo laabano, subaxii khamiistana uu magacaabo ra’iisul wasaare waa yasmo iyo xushmad darro, xaqiiqdii ma fileyn” Waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay mid ka mid ah siyaasiyiintii la kulmay madaxweynaha, islamarkaana ahaa musharax ra’iisul wasaare, oo codsaday inaan la magacaabin.

“Madaxweynaha ninka uu magacaabay waa nin Hawiye, jagadanna cid kama xigto, waxaase habooneyd inuu nala hadlo oo uu yiraahdo sidaas ayaan go’aansaday ee raali noqdo, ee ma ahayn in ballan been ah naloo dhigo” waxaa sidaas isna Caasimada Online u sheegay Xaaji Xasan Cabdi mid ka mid ah odayaasha beesha Habar-Gidir.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta madaxweynaha uu ballamada ugu dhigay beelahan, hase yeeshee dad ku dhow ayaa sheegay in go’aanka lagu magacaabay Xasan Kheyre uu degsanaa inta aan madaxweynaha la dooran.

Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa looga bartay in marka ay go’aansadaan xilka ay magacaabayaan ay marka hore qanciyaan beelaha xilka waayey, kadibna ku dhawaaqaan, hase yeeshee madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa muuqata in isbeddeladiisa siyaasadeed ee uu ballan qaaday uu ka dhabeynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com