Xog: Sidee ayuu Farmaajo ka yeelay casuumaadii kaga timid Ethiopia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka weecday dalab casuumad oo kaga yimid dowladda Ethiopia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo laga dalbaday in Safarka ugu horeeya uu kusoo gaaro magaalada Addis Ababa, si dowladda Ethiopia ay ugala hadasho in meesha laga saaro mugdiga jira, hase yeeshee uu ka door biday casuumadda Sacuudiga.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu soo gaarsiiyay inuu u casuuman yahay dowladda Ethiopia, markii uu Muqdisho yimid, balse madaxweynaha ayaa la sheegay inuu waqti kale qabsaday xilli la rumeysan yahay inuu ka didsan yahay Siyaasada Dowlada Ethiopia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu dowladda Ethiopia u sheegay in casuumaada dowladda Sacuudiga ay kasoo horeysa.

Waxaa kale oo iyana meesha ku jirta in safarka Sacuudiga uu dhaqaale badan kusoo helayo madaxweyne Farmaajo, maadaama dowladdiisa caawimaad u baahan tahay, sidoo kalena uu kaalmo u raadinayo abaaraha dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com