Sawirro: Garoowe oo laga dhisay masjid lagu xardhay calanka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta xariga ka jaray masjid cusub oo laga hirgeliyey gudaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi ee Garoowe.

Masaajidka oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa lagu magacaabay Masjidu Shuhadaa, ssababta magacaasina loogu bixiyay ay ku sheegeen madaxdii ka qeybgashay furitaankii masjidkaasi in loogu magac daray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ka xil saarnaa ilaalinta shacabka iyo danaha Puntland.C/weli Gaas ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ilaalinta iyo howlaha kale ee masjidka Shuhadaa ay mas’uuliyadiisa saaran tahay madaxtooyada, isaguna uu hormuud u noqon doono camiridiisa xiliyada salaadaha.   Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com