Suuragal ma tahay in Wasiirada Cusub ay helaan Jawi ay uga macaashi karaan Hantida Qaranka?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa Golaha Wasiirada Xukuumada ka dalbaday inay soo dadajiyaan documintiyo ay ku qoranyihiin anshaxa, aaminaada iyo in ay soo saxiixaan Hantidooda gaarka ah iyo arrimaha gargaarka.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay inay dib ugu laaban doonaan documintiyada ay soo saxiixayaan Golaha Wasiirada waxa uuna sheegay inay sameynayaan Guddi la socda Hantida ku jirta Akoonada Wasiirada.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay in Wasiirada ay ku xugmin doonaan Hantida ku jirta Akoonadooda wixii ka dheeri ahna loo qaadan doono inay tahay mid Qaran.

Cabsida ugu badan ee laga qabo Golaha Wasiirada ayaa ah in documintiyada la buuxinaayo ay ku hardhaan qoraalo ka beensheegaya xaqiiqda iyadoo mid waliba uu u gogol xaaraayo ka faa’iideysiga xilka uu hayo.

Wasiirada ayaa laga cabsi qabaa in documintiyada ay ku buuxiyaan inay heystaan dhaqaale xad dhaaf ah, si dhaqaalaha ku dhaca Akoonadooda uu u buuxiyo tirada ay ku qoranayaan documintiga.

Wasiirada ayaa waxaa ku jira kuwo horay loogu eedeeyay boobka Hanti Qaran, kuwaa oo aqoon durugsan u leh, Hanaanka ay ku keydsan lahaayen Hantida ay ka macaashaan xilalka ay hayaan, waa haddii aan loo helin xal ka duwan kan ku eg saxiixida iyo Kormeerka aan ka badneyn halka maalin.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa dhowr jeer ku celcelshay inay la dagaalami doonaan Musuqa kusii baahaaya Xafiisyada Dowlada, waxaana la rumeysan yahay inay ku adkaan doonto la socodka Akoonada Wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in fiiro gaara ay u yeelan doonaan Wasiirada iminka ka tirsan Xukuumadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com