Magacaabis-Saaxiibeysan: MUUNGAAB oo raacay waddo aad caan u ah (XOG)

Marka la eego Masraxa iyo Haykalka Maamuleed ee Dowladihii KMG iyo Dowladdan Federalka waxaan ka dheehan karnaa Dabeecad cusub oo ku soo kordodhay qaabka loo xusho Mas’uuliyiinta iyo Madaxda maamulayo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Maamulladda ka sii farcamayo.

Sooyaalka Taariikhda ayaa xustay inay Dowladihii KMG ee ay kala hoggaamin jireen Madaxweynihii geeriyooday, Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa garbahooda buuxin jirey Mas’uuliyiin ay ku soo xusheen qaab iyaga markaasi ku qanacsanaayeen.

Miisaal ahaan Dowladii Marxuum C/llaahi Yuusuf waxaa safka hore kaga jiray Madaxdii Jabhaddii SSDF, iyadoo Maamulkii Madaxweyne Sheekh Shariif iyagana ay ugu tunka weynaayeen Madaxdii iyo Hawlwadeennaddii Golihii Maxkamadaha Islaamka ee iyaga dagaalka xooggan la galay Hoggaamiye-kooxeedyaddii mar awoodda ku lahaa magaalladda Muqdisho.

Jaranjaradda noocaasi ee ay Dowladaha kala qishayaan ayaa waxaa iminka Masraxa laga dheehan karaa inay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hayinka u hayaan Siyaasiyiinta ku jirta Kooxda isku magacowday Damu-jadiid, inkastoo ay Bulshadda Soomaaliyeed u cuntamaynin hab-dhaqanka Kooxdaasi dufan-jacaylka isku bahaystay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Nidaamka Is-xulafaysiga ee laga dhex arki karo Nidaam kasta oo dalka taladiisa loo dhiibay inay aad u shabahi karto Nidaamkii Beeleedka ee horey u soo kharibay Haykalkii Dowladnimadda, isla markaana horseeday inay Beelaha Soomaaliyeed isku-dilaan Loolanka Awoodda Qaranka.

Damu-jadiid, Halgamayaasha SSDF iyo Mujaahidiintii Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa dhabaha u xaartay inay Madaxda Maamulladda Goballadda ku dhiiradaan inay iyagana iqtiraacaan Qaab cusub oo ay ku soo xushaan Mas’uuliyiinta hawlaha la agaasimayo.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Jeneral Mungaab” oo isagu xilkaasi dhawaan loo magacaabay ayaa waxa uu bilaabay inuu Maamulkiisa ku mataaneeyo Jaallayaashiisa ay ardayda ka wada ahaan jireen Jaamacadda Caalamiga ee Africa The International University of Africa “جامعة افريقيا العالمية” oo ku taalla caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Xog cusub, ayaa muujinaysa in saddexda Guddoomiye cusub ee loo kala magacaabay Degmooyinka Shibis iyo Huri-waa’ yihiin kuwo ka tirsanaa Jaamacadda جامعة افريقيا العالمية oo uu Jeneral Mungaab mar ka soo noqday Guddoomiyaha Ardayda ee Jaamacadaasi.

Guddoomiyaha cusub ee Degmadda Dharkenley waxa uu arday ka ahaan jirey Jaamacadda Kampala ee dalka Uganda.

Jeneral Mungaab oo Sharci-yaqaan ah ayaa u muuqda inuu ku turunturooday Masraxa Maamullkiisa cusub, waxaana laga filayey inuu Nidaam cusub ku soo biirayo habka Xulashadda Mas’uuliyiinta Haykalka Maamulka heer Degmo ilaa heer Qaran.
Laakiinse taasi bil-cakiskeeda Jeneral Mungaab oo malaha qoddob kale ka duulayo ayaa qaab il-duuf oo kale dhabaha ugu xaaray inay Maamulkiisa ka mid noqdaan hadba qofka uu u arko inuu hawsha la wadi karo, isla markaana isaga u dhega nuglaan kara, haba u badnaadeen ardaydii ay Jaamacadda wada dhigan jireen.

Xeeldheerayaasha Arrimaha Bulshadda, ayaa rumeysan inay tahay Fadeexad ballaaran haddii Guddoomiyayaasha loo magacaabo dad aan khibrad u lahayn Hawshaasi baaxadda leh, balse looga dan leeyahay Mataanaynta u muuqaalka ekaanayso Damu-jadiidka, Mujaahidiinta Maxkamadaha iyo Madaxdii Jabhdaddii SSDF.

Waa maamul-xumo haddii Mas’uuliyiinta loo magacaabayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir noqdaan kuwo aan xitaa shaqaale hoose marnaba ka soo noqonin Xafiisyadda Maamulladda Degmooyinka, waana ayaan-darro haddii xilalkaasi loo dhiibo dad la wato ama in Guddoomiye kasta lagu beddelo Guddoomiye kale oo ay jufo-hoose yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Jeneral Mungaab oo Khabiir Sharci-yaqaan ah ayaa u muuqda mid qaabka Tuuneerka oo kale looga hoos-biixiyey magacaabistaasi, oo ay ka muuqato caddaalad-darro iyo go’aan nin-jeclaysi ah.

Xogasho: Dalsan Radio