Magacaabista Jeneral Mukhtaar halis ma ku tahay qorshaha DF iyo Guudlaawe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxey wali dood badan ka taagan tahay dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle, waxaana doodda ugu badan qaba Beesha Xawaadle oo dooneysa in kursiga Madaxweynaha u gaar ahaado beeshaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay si weyn ugu milantay doorashada HirShabeelle, islamarkaana musharax ka soo jeeda gobolka Shabeellada Dhexe ama beesha Abgaal ay dooneyso inay ka dhigto Madaxweyne soo socda ee HirShabeelle.

Golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya ee lagu dhawaaqay waxaa ku jira Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, oo ah wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale ka soo jeeda Beesha Xawaadle.

Wasiir Mukhtaar, waa qofka qaadan doono doorka ugu weyn ee dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle, waxeyna magacaabistiisa ku soo aaday xili ay tabasho qabaan beeshiisa.

Dad badan ayaa is weydiinaya, caqabad maku noqon karaa qorsha Cali Guudlaawe?. Caasimada Online ayaa su’aashaas weydiisay aqoonyahaano iyo siyaasiin badan.

“Caqabad kuma noqon karo qorshaha Guudlaawe, sababtoo ah waxaa wadato dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirka arrimaha gudaha Xawaadle loo siiyay in uu soo afduubo Beeshaas oo meesha la geeyo Musharax ka soo jeedo Shabeellada Dhexe,” ayuu Prof. Cabdirisaaq Axmed Jimcaale.

“Aniga waxay ila tahay, in wasiirkaan loo magacaabin danta Xawaadle ee loo magacaabay danta dowladda federaalka si uu u dhaqaajiyo qorshaha dowladda ee HirShabeelle maadaama hada Xawaadle yihiin dhibaatada kaliya ee taagan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. C/risaaq Axmed Jimcaale.

Dadka yaqaana Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax waxay sheegaan in uu yahay nin dagan oo aan dood badneen islamarkaana aad ugu dhow Madaxweynaha Somalia waxaana la filayaa inuu dhaqaajiyo qorshaha dowladda Somalia ee maamulka HirShabeelle.

Sidoo kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in magacaabista Gen. Mukhtaar uu aad ugu dhow yahay ugaaska Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, islamarkaana magacaabistiisa ay qeyb ka tahay mid lagu qanciyey Ugaaska, si uu u ogolaado qorshaha dowladda ee madaxweyne looga dhigayo Cali Guudlaawe.