Mid ka mid ah wasiirada xilalkooda waayay oo si aan la fileyn ugu falceliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabistii xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay Tallaadadii 20-10-2020 ayaa waxaa ka falceliyay mid ka mid ah wasiiradii hore ee aan kasoo dhex muuqan xukuumada cusub, kaasoo si hufnaan ah u bogaadiyay.

Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa soo dhoweeyay xukuumadda cusub, isagoo hambalyo, boggaadin iyo ducoba u diray guud ahaan Golaha Wasiirada cusub ee XFS ee uu ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Xilku waa meerto waana sunaha dawladnimo oo kolba qofkii loo garto ee nasiib u yeesha in loo soo magacaabo, shalay anigaa hayey maantana muwaadin kale oo Soomaaliyeed baa haya, muhiimaddu waa in wadankeenu hore u socdo, waa inaan dib-u-dhiska wadankeena iyo horumarkiisaba aan ka wada qeyb-qaadanno oo qofba wax ku kordhiyo,” ayuu ku yiri wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng Abdullahi Ali Hassan.

Wuxuu u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaabay gaar ahaan kuwa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, inuu ku asturo xilkaa loo igmaday, isagoo u rajeeyay in dedaaladii socday ee horumarka ahaaba ay halkaas ka sii wadaan.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee xilalka kasoo qabtay dowladdihii kala duwanaa ee dalka soo maray loogama baran in ay tahniyadeeyaan, fariin noocaan ahna u divan xubnaha xilalka ay kala wareegaan, iyadoo tallaaybadaan wasiir Abdullaahi lagu amaanay markuu soo dhigay barta uu baraha bulshada ku leeyahay.