21-ka Oktoobar: Guulo iyo guuldarrooyin taariikhi ah

Waxaa maanta oo kale 51 sano kasoo wareegtay Kacaankii Oktoobar oo lagu tilmaamo 21-kii sano oo uu jiray in uu lahaa waayo isugu jiray horumar iyo guuldarooyin taariikhi ah. Dhab ahaantii inuu inqilaab dhaco 21-kii Oktoobar 69-kii, waxay dadka Soomaaliyeed ee waayahaas u soo joogay u aheyd fursad taariikhi ah oo ay ku qaabilaayeen in dalku ka dhaco isbadal siyaasadeed, aadna loogu faraxsanaa in mar un xoogga dalka Soomaaliyeed kala wareego xukunkii ay hoggaaminaayen siyaasiyiin rayid ah, waayo aragna ahayn, kuwaasoo hab-maamulkoodii aan la jecleysan. Markii Saaraakiil ka tirsan XDS ku guleysteen inay dhigaan inqilibaab, Shacbigu waxay muujiyeen soo dhoweyn iyo yadadiilo ay ka qabeen in dalku ka xuroobo maamul xumo, masuqmaasuq, qabyaalad, eex iwm oo la soo maray mudo Sagaal sano ah xorriyaddii kadib.

Sanadka 1969-kii inqilaabyadii Afrika ka dhacay waxaa ugu muhiimsanaa kuwii ka dhacay dalalka Suudaan, Liibiya iyo Soomaaliya. Siyaasadihii Milaterigu la yimaadeen waxay ahaayeen kuwo taageero xoog badan ka heystay dalalkii reer bariga ee hannaankooda dowladeed ku dhisnaayeen nidaamkii Shuuciyadda. Dagaalkii qaboobaa ee reer Bariga iyo Galbeedka ayaa sabab u ahaa in uu saameyn ku yeesho inqilaabyada iyo dhaqdhaqaaqyadii halgamadii gobonimo doonka ee waayahaas ka socdeen qaybo ka mid ah qaarada Afrika iyo dunida saddaxaad. Midowgii Soofiyeeti wuxuu ahaa maalgeliyaha ugu weyn ee dhanka afkaarta iyo weliba hubka iyo milateriga ee Qaarada Afrika saameynta xoogga leh ku yeeshay, gaar ahaan kuwii inqilaabyadu ka dhaceen iyo kuwii ku jiray halgamadii Gobonimo doonka.21-kii Oktoobar 1969-kii waxay aheyd maalin iyo sanad taariikhi ah, Soomaaliyana waxay ka mid noqotay dalal dhowr ah oo Qaaradda Afrika ka tirsan oo ka dhacay inqilaabyo Milateri. Waqtiyadaas dabacan dadka qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaalida waxay ku haminayeen inuu sameysmo marxalad wax ka badasha waayaha siyaasadeed ee lagu nool yahay. Waxaa jireen dareeeno loo arkaayay inaan weli si haboon looga bixin awoodihii gumeysigii laga xuroobay, haddana dhanka kale, bilcaksi, Afrikaanka qaarkii iyo si gaar ah Soomaalida oo ku weyn qabyaaladda iyo hab-noleedka reer-guuraanimada ah,ayaa waxaa lagu tiriyaa dhaqan ahaan iney lahayn xaalado u bisleyn kara wax la yiraahdo dowladnimo iyo in lagu dhex noolaan karo sharci iyo kala danbeyn, dan guud iyo waxa qaranka oo dhan ka wada dhaxeeyo.

1962-1969-kii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed xagga tababarka, qalabeynta iyo hubkaba waxaa ka taageeri jiray Midowgii soofiyeeti, taasi waxay sahashay in saraakiishii Milateriga ee xirfadaha sare lahaa ay ku sii dhawaadaan ama ay aqbalaan habka nololeedka looga dhaqmo dalalkii reer bariga iyo dunida kale ee shuuciyiintu ku tilmaami jireen inuu ka jiro nidaamyo horusocod ah. Saas darteed inqilaabkii Soomaaliya ka dhacay waxaa la oran karaa in uu Ruushka iyo bahdiisba ay wax ka ogaayeen. Kacaanku wuxuu la yimid isbadal saameeyay horumar dhinacyo badan leh, kuwaasoo markii dambe ay ku dambeeyeen inay guuldareystaan, waxaana hoggaaminayay mudo 21 sano ah kaliye taliye naxariis daran ee aan Soomaalidu mahdin, xukunkii adkaa ee qoriga caaradii dalku ku maamulayay daraateed.

Siyaad Barre oo hoggaminyaayay muddo 21 sanno ah xukun adag oo sharci darro ah, kuna yimid xoog ku maroorsi, loona dooran inuu dalka madaxweyne ka noqdo ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu ugu liitay, iyadoo dhan kasta laga eegaayo marka loo barbar dhigo xagga waddaniyaddiisa, aqoontiisa iyo hab dhaqankiisaba, Hoggaamiyeyaal Kaligii taliyeyaal ah ee soo maray Afrika iyo dunida 3-aad, kuwaasoo iyagana magac iyo taariikh xumo uga tageen dalalkooda, sida Mobutu Sese Seko, (Ex Zaire, DRC), Idi Amin Dada, (Uganda), Jean-Bédel Bokassa,(J Afrikada Dhexe), Fidel Castro,(Cuba), Augusto Pinochet, (Chile), Samuel Doe,(Liberia), Mingistu Hailemariam (Ethiopia, weli magangelyo laajinimo ah ayuu ku nool yahay) Kim Il Sung,(PDR of Korea), Mucamar El-Qadafi,(Libiya dhintay), Saddam Hussein, (Iraq, waa dhintay), Bishar El-Asad,(Suuriya, weli waa nool-yahay) iyo kuwo kale.

Xusuustii inqilaabka waxay mar kasta sawir ka bixineysa awoodihii kaligii talisnimada iyo dhacdooyinkii la soo maray inay ahaayeen kuwo laga aragagaxo. Sidoo kale, hab dhaqankii Siyaad Barre wuxuu muujinaayay inuu indhaha kaga dhacay kaga adkeysiga aan sharciga ahayn, inuu awoodda ku sii dheggenaado inta uu nool yahay, ugu dambeyntana uu rajeynaayay in ilmahiisa ka dhexlaan. Waxaa lagu xasuustii guulihii mudada kooban la gaaray oo haddane isla isagii gacmahiisa ku burburiyay. Waxaa lagu xusuustaa oo kale dagaalkii Itoobiya lala galay in Soomaaliya u soo jiiddo sumcad xumo caalami ah ka sakow, in dalku jilbaha dhulku dhigo, islamarkaana ay bilowdaan marxalado kacdoono hubeysan iyo burbur saamaeyay dhan kasta, siyaasad, dhaqaale, nabadgelyo iyo hanaankii awoodihii difaac ee qaranku lahaaba.

Dagaaladii sokeeyay oo Siyaad Barre xukunkiisa sababay inay dhashaan ayuu u marin xalin niyadsami qaab dib u heshiisn ah, tixgeliyo ra’iyga dadweynaha iyo baaqyada caalamiga intaba, beddelkeedana wuxuu la hagran wax alle wixii awood iyo hub wadanku lahaa inuu u isticmaalo sidii uu ku burburin lahaa xoogagga dadweyne iyo kacdoonnada ka horyimid, sida markii dambe ka dhacday wadanka Liibiya iyo mida hadda ka socoto Suuriya oo kale oo in la xakameeyo dunida u caal la’dahay..

Waxaa taariikhda Soomaaliya ka bixi doonin Siyaad Barre inuu lahaa mas’uuliyadda inuu dalku wajaho marxalad burbur ah, dowladnimadii guuldarreysato oo xataa si xoog leh u saameyso wadajirkii dhuleed iyo, midnimadii qaranka. Dhibaatada maanta ka socoto Soomaaliya waxay tahay natiijo lagu tilmaami fashil taariikhi ah iyo dhaxal ka yimid nidaamkiisa guracan, kuna caan baxay ku tumashada xuquuqda muwaadaniyiinta iyo dhaca hantidooda. adeegsiga qabyaaladda iyo awood sheegashada xad dhaafka

Hadda Somalia waxay maraysaa marxalad ah in dalku qaybsamo, qaybo ka mid ah iyadoo la adeegsanaayo federaal dhalanteed ah, inay ka taliyaan maamuulo qabiil, kuwo Al-shabaab ah iyo aragaxiso caalami ah intaba. Sidoo kale, dhibaatada ugu khatarsan waxay ka imaanaysaa dawladaha deriska ah oo Soomaaliya u rabin in guuldarrooyinkii Siyaad Barre u horseeday in lagu beddelo Guulo shacbiga Soomaaliyed horseedaayaan inuu qarankooda dib u dhismo, midnimadii iyo wadajirkii qarameedna u soo noqdo si xor oo maskax Soomaaliyeed ku imaanaysa.

Cali Muxiyaddiin
Muxiyaddiin@hotmail.com