Sawirro: Haweeney Somali ah oo hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee sonkorta

Kampala (Caasimada Online) – Haweeney Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Africa ayaa waqooyiga dalka Uganda ka hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee Sonkorta, waxaana xafladda furitaanka warshadaasi oo dhici doonta Khamiista ay kasoo qeyb geli doona madaxda Africa oo ugu horeeyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni.

Drs.Aamina Xirsi Mooge oo dala Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ayaa waxay ku guuleystay inay Ugandha markaan ka hirgelisao warshadda ugu weyn ee soo saarta Sonkorta, taasoo lagu magacaabo Atiak, taasoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba.

Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu balaarnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la filayo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar balaaran kadib marka la gaarsiiyo wadamada ku yaala gobolka.

Drs. Aamina ayaa horay dalka Uganda ugu hirgelisay warshadda sibirka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda, loona dhoofiyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaloo ay leedahay xarunta ganacsiga Oasis Shopping Mall ee ku yaal xaafadda ganacsiga ee bartamaha caasimada Kampala iyo guryaha Laburnam Courts oo ku yaal Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala.

Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xoogan ay ku leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay.