Laba arrin oo waa weyn oo ay xukuumadda Rooble ku weyn karto kalsoonida BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa habeen hore ku dhawaaqay Golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya oo muddo dheer laga dhowrayay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana ka soo muuqday wejiyo cusub iyo qaar ka mid ah kuwii hore.

Wasiirada Xukuumadda Rooble ayaa ka kooban 27 wasiir, 17 wasiiru-dowle iyo 26 wasiir ku xigeen, waxayna wadartu yihiin 70 Xubnood. Qaar badan oo kamid ah Golihii hore ee Xukuumadii Kheyre ayaa dib u soo laabtay halka qaar kalane ay booska baneeyeen.

Caasimada Online ayaa heshay warar sheegaya in Golaha Wasiirada ay wajihi doonaan caqabado badan oo ka imaan karta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya si loo siiyo codka kalsoonada.

“Xubnaha ka haray xukuumadaan ee ku jiray xukuumadii hore waa Xildhibaano waana careysan yihiin, waxaa kaloo jira Xildhibaano raadiyay wasiirnimo oo waayay, arimahaas oo dhan waxay sababi karaan in baarlamaanka kalsooni ka weyso Xukuumada,” ayuu yiri Prof Cali Saciid Maxamuud Kulane oo la hadlay Caasimada Online.

“Waqtiga oo kala guur ah, Xildhibaano badan oo wasiirnimo waayay, kuwa aan qabin rajo soo laabasho ah oo u baahan lacag waxay sababi kartaa in kalsoonida weyso Xukuumadda cusub,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof Cali Saciid Maxamuud Kulane.

Caqabadaha ugu waa weyn ee baarlamaanka kala kulmi karto ayaa la sheegay in ay kala yihiin:-

1) – Xildhibaano badan oo iska dhax waayay liiska wasiirada oo ay raadsadeen, wasiiro Xildhibaano ahaa oo laga reebay liiska oo aad u careysan.

2) – Waqtiga oo kala guur oo Xildhibaano badan qabaan rajo xumo soo laabasho ah taasna ay sababi karto in ay lacag ku xiraan ansixinta Xukuumadda sida ay qabaan falanqeeyaal badan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socda Baarlamaanka horgeeyo Golahiisa cusub ee Wasiirada kuwaas oo aan la ogeyn waxay kala kulmi doonaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.