Xisbiga Waddani oo shaaca ka qaaday qorshe yaab leh oo uu wado madaxweyne Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, isagoona banaanka keenay qorshe uu sheegay inuu wado madaxweynuhu.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, hogaamiyaha xisbiga Waddani ayaa sheegay in Muuse Biixi uu wado qorshe ah ‘Qaybi oo xukun’, isla markaana uu ku naas-nuujinayo dad gaar ah khayraadka iyo ganacsiga Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in Biixi uu gebi ahaanba uu ka leexday dhabihii xilka uu hayo, markaasina aysan jirin mashruuc ama waxqabad waxtar leh oo uu hirgeliyay tan iyo markii xukunka loo dhaariyey, sida uu hadalka u dhigay.

“Maalintii Madaxweynaha xukunka loo dhaariyey illaa maanta wax mashruuc ah oo ishu qabato oo macno leh oo Bulshada isheedu soo jiidato oo hankeeda kor u qaada oo jawaaba Himiladii Bulshadu lahayd kuma hayno,” ayuu yiri.

“Intii uu xilka la wareegay ciidankii joogay 1-dollar looma kordhin, waxayna ahayd in kuwa jooga la daryeelo. Waxa aad u yar hal Mashruuc oo ay Tilmaamaan, waad arkayseen Madaxweynaha oo u baxay Gobollada, ma dhicin wax Mashaariic ah oo la furay, maxaa yeelay waxba lama qabanin.”

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid muddo xileedkiisa badankiisaba ku dhameystay muran iyo garnaqsi “Madaxweynaha waxa Wakhtigii kaga dhamaaday Muran iyo Gar-naqsi, 3 sanadood buu dhamaystay, kii Afraad baa la galayaa hadda.”

Wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynuhu uu kheyraadka iyo fursadaha xukuumada uu ku taxo oo keliya dad gaar ah, halka kuwo kale cago jugleyn iyo maamul xumo lagu hago, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina wuxuu shaaciyey in xisbigooda uu soo wado warbixin daboolka ka qaadi doonta musuq-maasuq baahsan oo xukuumadda Biixi ay ku kacday, isla markaana Somaliland u horseeday dhaqaalo xumadii ugu sarreysay abid.