Guddi ka dhisan Gobolka Banaadir oo la ogaaday in ay Al-Shabaab ku milmeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan wareegto ku kala diray guddiga iskaashatooyinka gobolka, kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay wareegtada.

Maamulka gobolka oo wareegtadan soo saaray Isniintii ayaa dhamaan lamaha kala duwan ee ammaanka ku wargeliyay kala dirista xubnahan lagu eedeeyay inay gacan saar la yeedheen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa wareegtadaan digniin lix qodob ah loogu diray qof kasta oo si un u taageera Al-Shabaab ama u gacan siiya, iyadoo laamaha amnigu ay si isku mid ah ula dagaalami doonaan qofkaas iyo Al-Shabaab, waxayna kala yihiin qodobadaas.

1 – Qofkii ku taageera dhaqaale.
2 – Qofkii u kireeya guri ama ka kireysta gurigiisa.
3 – Qofkii ka iibiya gaari ama u ogolada garaashkiisa.
4 – Qofkii la wadaaga xog ama xiriir oo dhan kala sameeya gudaha caasimadda Muqdisho.
5 – Qofkii dhiira-geliya Al-Shabaab ama fidiya dacaayadda ay u baahanyihiin.
6 – iyo qodobka u dambeeya oo ah qofkii ku dhiira geliya dhalinyarada inay ku biiraan Al-Shabaab.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u akhriyey wareegtadan, waxuuna sheegay in dhawaan uu maamulka gobolka Banaadir soo magacaabi doono guddi cusub oo iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir ah, kaas oo hey’adaha ammaanka ay si joogto ah baaritaan u marsiin doonaan.

Hoos ka Daawo