Mas’uul ka tirsanaa Puntland oo lagu toogtay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho xalay lagu dilay mas’uul ka tirsanaa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku sugnaa bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dilka oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa waxaa loo geystay kaaliye ka tirsanaa maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Puntland.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi oo ku magac dheeraa (Jaamuus), sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa agagaarka hoyga uu ka dagan yahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Garoowe oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jiro weli wax faah faahin oo saraakiisha ciidamadu ay ka bixiyeen dilkaasi iyo howl-gallada daba socday intaba.

Garoowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay howl-gallo ka waday ciidamada ammaanka Puntland.