Ciidanka Xoogga dalka oo dilay 19 ka tirsanaa Shabaab

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey howl-gal saacadihii la soo dhaafay ciidamada milatariga ay ka fuliyeen duleedka degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Somalia.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 20 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, sida uu shaaciyey taliska Xoogga.

General Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galladaasi wuxuu sheegay in lagu khaariyey illaa 19 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena nolosha lagu qabtay labo kale, sida uu hadalka u dhigay.

Odowaa ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in ciidamadu ay gubeen labo gaari oo ay lahaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-galladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab deegaanada ay maamulaan.

Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.