Magacyada 13-ka arday ee ugu kaalimaha sarreeya Muqdisho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-ka illaa 2021-ka.

Munaasabada oo ay soo qaban-qaabiyeen Agaasinka Waxbarashada maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxda sare maamulka gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Degmooyinka, Bahda Waxbarashada, Waalidiin iyo Marti Sharaf kale.

Waxaa munaasibadaas lagu shaaciyey liiska 13-ka Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad, kaasi oo ay u fariisteen arday ka badan 25-kun, islamarkaana lagu galay 72 xarumood oo hoos yimaada gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo asaguna qeyb ka ahaa munaasibada ayaa waxa uu ardeyda gudubtay iyo kuwa hartayba ku amaanay dadaalka ay muujiyeen, isagoona kula dar-daarmay in lagu dadaalo Waxbarashada si Bulshada u noqdaan kuwo aqoon leh oo jahliga la dagaalama.

Wadarta guud ee Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir ee sanadkaan gudubtay ayaa waxaa lagu sheegay 24,198 arday oo isugu jira 10,275 Dumar ah iyo 13,923 Rag ah, waxaana dhacay gobolka dhan sanadkan arday dhan 1,687.

Waxay noqoneysa sanadkii labaad oo xiriir ah oo uu qaado gobolka Banaadir Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee dugsiyada waxbarashada gobolka Banaadir ee caasimada, tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Hoos ka aqri magacyada ardayda gashay kaalmaha hore