Magacyada liiska xubnaha DFS u matalaya guddiga farsamo ee doorashada

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay lixda xubnood ee dowladda Federaalka u matalaya Guddiga Farsamada ee ka soo baaraan dagaya hannaanka doorashooyinka ee dalka uu aadayo (Hoos ka aqriso magacyada).

Qodobka 5aad ee war-murtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.

Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka qaranka.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga dowladda