Magacyada xildhibaanada miisaanka culus ee weyn kara kuraastooda kadib liis lasoo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug iyo kan maamulka doorashada xubnaha baarlamaanka ee gobollada waqooyi ayaa soo saaray jadwallada doorashada 13 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Doorashooyinka kuraastan ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda lagu kala qabto magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxaana kuraastooda ku weyn kara xildhibaano miisaan culus.

Galmudug ayaa soo saartay liiska shan kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadooda uu loolanka adag ka taagan yahay, sidoo kalena isha lagu wada hayo hanaanka loo mareyn doono, halka xubnaha guddiga reer waqooyiga ay soo saareen liiska 13-kursi.

Caasimada Online waxay dib u baartay xildhibaanadii horay ugu fadhiyey kuraasta 13-ka ah ee galabta ay liiskooda soo kala saareen guddiyada doorashada Galmudug iyo reer waqooyiga.

Waxaan ku hor-mareynaa 5-ta kursi ee laga soo doorto Galmudug, waxaa ku kala fadhiyey xubnaha kala ah:

1– HOP#139, Cabdixakiin Macalin Axmed
2– HOP#055, Zakariye Xasan Sheekh
3– HOP#051, Xasan Macalin Maxamuud
4– HOP#049, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
5– HOP#012, Yuusuf Xeyle Jimcaale

Dhanka kale 8-deeda kursi ee guddiga maamulka doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ay soo saareen ayaa waxaa ku kala fadhiyey xubanaha kala ah:

1– HOP#270, Zakariye Xuseen Caarre
2– HOP#271, Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye
3– HOP#218,  Cadow Maax Faarax
4– HOP#226, Maryan Maxamuud Ciise
5– HOP#269, Maxamed Cabdullahi Kaamil
6– HOP#268, Maxamed Cali Xagaa
7– HOP#267, Seynab Maxamed Caamir
8– HOP#236, Cadnaan Cusmaan Cilmi (Boqore).

Doorashada Golaha Shacabka ee sanadkan ayaa waxaa inta badan kuraastooda ku waayey xildhibaanadii horey ugu fadhiyey ayada oo madax goboleedyada ay soo saarayaan xildhibaan cusub oo daacad u ah, waxaana xubno badan oo liiska kore ku jira ay ku biiri doonaan saaxiibadooda horey loo tuuray.