Mahad Cawad oo seddex maalin u qabtay guddiga maaliyadda baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa muddo seddex maalin ah u qabtay guddiga maaliyadda Baarlamaanka oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay.

Mahad Cawad, ayaa guddiga maaliyadda shaaciyay in laga doonayo in muddo seddex maalin ah ay kusoo diyaariyaan miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2019, iyaga oo laga doonayo inay baarlamaanka ku horgeeyaan muddadaasi kooban.

Guddigan oo maalin ka hor isbadal lagu sameeyay ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ay doorteen guddoomiye iyo ku xigeen, maadaama horey looga reebay seddex xildhibaan oo guddiga xilal ka hayay.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegaya in muddadaasi ay ku yar tahay guddiga maaliyadda maadaama laga doonayo inay diyaariyaan miisaaniyad qaran oo sanad dhan lagu shaqeyn doono.

Muddada loo qabtay guddiga maaliyadda ayaa ku eg maalinta Axadda soo socoto oo taariiqda ay ku beegan tahay 30 December.

Xildhibaan C/risaaq Jindi oo ka mid ah baarlamaanka ayaa sheegaya in dowladda ay macquul tahay inay ku shaqeyso miisaaniyadda sanadkii 2018, sidii dhacday sanadkii lasoo dhaafay, maadaama guddiga aysan heysan waqti dheer oo shaqo badan ay ku qaban karaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com