Mahad Dollar oo lagu dilay MUQDISHO iyo Al-Shabaab oo war kasoo saartay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ku dilay Maanta sarkaal caan ka ahaa xaafadda kana tirsanaa Cidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Dollar), waxaana lagu toogtay Garaash ku yaalla agagaarka Seybiyaano halkaas oo ah suuq lagu iibiyo qudaarta iyo Caanaha oo uu isaga mas’uul ka ahaa.

Kooxaha dilka geystay ayaa marxuumka dhowr xabad kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, waxaana ugu dambeyn u suurta gashay inay meesha isaga baxsadaan, inkastoo ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan ragga falka geystay.

Sarkaalka dilka loo geystay ayaa caan ka ahaa Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, wuxuuna heystay ciidamo gaar ah oo isaga ka amar qaata.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka, islamarkaana geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay sarkaalkaan, waxayna Al-Shabaab ku sheegtay inuu ahaa sarkaal muddo badan hor taagnaa shacaa’irta Islaamka sida ay hadalka u dhigtay.

Warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalkaan lala dilay ciidamo ka tirsanaa ilaaladiisa inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinayo sheegashada Al-Shabaab.

Ma aha markii u horeysay ee Sarkaal ka tirsan ciidamada ay dabley hubeysan ku toogtaan magaalada Muqdisho, haddana waxay dhacdadan kusoo aadeysa xili uu dalka marayo marxalada xasaasiya.