Ra’isul Wasaare Rooble oo isku beddelay laba wasiir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalkii u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa laga qaaday xilkii uu hayey, waxaana loo dhiibay xilka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Is-bedelka uu sameeyey Rooble ayaa ka dambeeyay dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Ma cadda sababta keentay tallaabada uu qaaday Rooble, waxaana xusid mudan in Oomaar uu ka mid yahay wasiirada ugu muddada dheer, isaga oo horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, halka Duraan uu xilka joogo un wax ka yar 6 bilood, isaga oo la magacaabay markii uu xilka la wareegay Rooble.

Wararka qaar ayaa sheegay in isbeddelan ay ka mid tahay arrimaha siyaasadeed iyo danaha ku xeeran xilliyada doorashada.

Isku-shaandheynta kooban oo uu Maanta sameeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble  ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli uu dhamaaday muddo xileedka Hay’adaha dowladda, isla markaana khilaaf uu ka taagan yahay doorashada.

Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee uu Ra’isulwasaare Rooble isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada tan iyo markii uu 19 September 2020 magacaabay Xukuumadiisa kusoo aaday xilliga kala guurka siyaasadeed.