Puntland oo dalab u dirtay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdullahi Cali Xirsi Timo-Cadde ayaa maanta markale ku celiyay maamulka Puntland uu diyaar u yahay inay sii socdaan wada-hadaladii teendhada Afisyoone, oo dowladda ay sheegtay inay fashilmeen.

Timo-Cadde ayaa sheegay in madaxda sarre ee Puntland ay ogol yihiin “go’aan raadinta xal doorasho,” midaasi oo si wada-ogol ah loogu geli lahaa doorashada dalka, oo xiligan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

“Puntland weli waxay joogtaa miiskii wada-xaajoodka ee  lagu balamay. Waxaa naga go’an raadinta xal doorasho loo dhan yahay lagu geli karo, si Dalka  xasilooni darro siyaasadeed looga badbaadiyo,” ayuu yiri Wasiir Timo-cadde oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu kusoo laabto miiska wada-hadalka, si xal kama dambeys ah looga gaaro caqabadaha ku hor-gudban shirweynaha doorashada.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in heshiis dhinacyada isku haya doorashada ay gaaraan uu dalka ka bad-baadinayo xasilooni darro siyaasadeed.

Wasiirka ayaa hore u sheegay in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta sharciga iyo ku dhaqanka dastuurka u yaalla dalka, isaga oo ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku tumaneyso shuruuda, taas oo uu tilmaamay in si weyn la’isugu hayo.

Hadalkaan ayaa imanaya, xili ay dhawaan dowladda federaalka ay shaacisay inay fashilmeen wada-hadalladii ka socday teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayada oo eedey fashilka dusha u saartay hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland.