Xog: Hal taliye oo ka mid noqday dadka loo haysto dilka guddoomiyihii Hodan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii shalay aheyd waxaa Maxkamada Ciimada Qalabka Sida lagu wareejiyay kiiska dilka guddoomiyihii degmada Hodan ee gobalka Banaadir Maxruum Cabdixakiin Dhaga-juun oo bilaawgii sanadkaan la dilay.

Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabja sida ayaa guddigii baaritaanka dilka guddoomiyaha loo xilsaaray kala wareegtay xogihii ay soo aruuriyeen, waxaana kadib uu xeer-ilaaliyaha maxkamadda sheegay in dilka uu ahaa “mid ula kac ah.”

Shuceyb Cabdi Maxamed oo ahaa taliyihii Saldhigga degmada Howlwadaag oo uu dilka ka dhacay ayaa kamid noqday shaqsiyaadka ilaa hadda kiiskaan u xiran islamarkaana dhowaan ka soo muuqan doona Maxkamada Ciidanka ee dowladda Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaa isla kiiskaan loo haystaa 7 kamid ah ciidanka booliska Soomaaliya oo furay rasaastii uu sababsaday guddoomiyihii degmada Hodan ee gobalka Banaadir Cabdixakiin dhaga Juun.

Dilka oo markii hore u ekaa inuu sababay kala shaki ciidan aayaa waxaa goor dambe isa soo taray inuu ahaa mid abaabulan, taasi oo dhalisay baaritaan ugu dambeyn lagu ogaaday in “si ula kac ah” loo gaystay dilka.