Daawo: Ganacsato cabasho ka muujiyey ganacsi ay sheegeen in si gaara loogu xiray Farmaajo walaalkiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay 48-saac ee u dambeeyay guuxa ka dhashay Ganacsato la sheegay in koonto gaar ah loogu xiray keenista Jaadka/Qaadka, kuwaasi oo sarre u qaaday qiimaha markii hore uu taagna.

Ganacsatada iibisa Jaadka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka muujiyey 3-Nin oo ay sheegen inuu kooto ugu xiran yahay keenista jaadka, kaasi oo uu horkacayo Nin ay sheegen inay walaalo yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waa dulmanahay oo cid aan u dacwoono ayaa weynay, dad ayaa naloo garbo-doobay ganacsi xor ah maaha dowladuna waa u jeeda, marka dulmigaas hanalaga soo gaaro oo hoos ha-noola-fiirsho, dowladda hanala aragto waxa aan ku dhibanahay, qaasatana dadka magaalada Muqdisho jooga oo Hereriga gada waa dhibanahay,” ayuu yiri Ganacsade kamid ah ganacsatada qaadka iibisa ee warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxay sheegen in ragga uu horkacaya Farmaajo walaalkii iyo saraakiisha garoonka ay isku xiran yihiin, taasi oo meesha ka saareysa in ganacsato kale ay ayagu lasoo dagaan Qaadka, islamarkaana ku qasbaysa inay ayaga un ka qaatan, sida ay sheegen.

“Waxaa dacwo ka nahay dadka uu Jaadka u afduuban yahay, Madaxweyne Farmaajo walaalkiis ayuu u afduuban yahay iyo saddexda Nin ee u shaqeysa”.

Waxay baaq cod dheer ah u direen madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday, gaar ahaan ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, waxayna codsadeen in laga qabto Ninka ay sheegen inay walaalo yihiin Farmaajo.

“Waxaan idiin sheegayna shacabka halkaan isugu imaadeen ee Soomaaliyeed waxaan cabasho ka nahay jaadka Hereriga, dad ayuu u qorsheysan yahay. Anagu waxaan nahay Shacab ku dhiman, haddaan gadno $15 waxaa naloo soo yeerinayaa $42, waxan u shaqeynaba ma garaneyno, dadkaana nalama hadlaanba”.

Waxay arrintaan imaneysa muddo kadib markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday in ka ganacsiga qaadka Hereriga uu u furan yahay umadda Soomaaliyeed, islamarkaana uusan jirin in cid gaar ah uu ugu xiran yahay.

Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo horaantii sanadkaan warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan halkaan ka cadeynayaa in cidna uusan u xirneyn ka ganacsiga qaadka, keliya qofka ka ganacsanaya waxa looga baahan yahay in hu sharcigeeda soo maro oo uu liisan soo qaato.”

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, tan iyo markii ay soo shaac-baxday cabashada ay ganacsatada qaadka sii iibisa ay ka muujinayaan Ninka ay sheegen inay walaalo yihiin Farmaajo.