Yey ‘si gaar ah ugu socotay’ fariintii cusleyd ee maanta ka timid beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay qoraalka ay maanta sida wadajir ah usoo saareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna ku tilmaamay fariin toos ugu socota madaxweyne Farmaajo.

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Waxaan dib u caddeyneynaa go’aanka ah inaan taageeri doonin hanaanka kasta oo ah doorashooyin is-barbar socda, kuwa hal dhinac ah ama hindise kasta oo cusub oo hoggaamin kara muddo kordhin kasta oo lagu sameeyey muddo xileedyadii hore.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in qoraalka guud ee ay beesha caalamka gudbisay ee shaacsan ay ka daran tahay midda sida gaarka ah loola wadaagay madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu intaas raaciya in looga digay muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah, wuxuuna Farmaajo ku tilmaamay qof halligaya dalka, sidoo kalana wuxuu su’aal dul dhigay dadka hareerahiisa jooga.

“Qoraalka wadajirka ah ee ay xarumahooda ka soo sareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waa fariin ku socoto kuwa xukunka isku dhejinaya. Farmaajo iyo kooxdiisa keliya waxay isku sii fogeynayaan heerka faragelin ee arrimaha doorashada dalkeena. Haddii shalay ay ku ekeyd safiirada Muqdisho jooga, maanta heer caasimadihii looga soo qayliyo oo lagu yiraahdo shirka ku laabo ayey maraysaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa muuqata in qoraalkiisii ashtakada ahaa waxba laga soo qaadin, balse waxaa looga digayaa in muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo mid is barbar socota ay halis ku tahay xasiloonida Soomaaliya, taasoo khatar ku ah nabada iyo xasiloonida aduunka”

Ugu dambeyntiina wuxuu yiri: “Haddii fariin qoraal banaan la soo dhigay sidan tahay, maxaad ka filaysaa tan sida hoose loogu sheegayo. Farmaajo waa nin is haligaya, Soomaaliyana faragelin ku sii fogaynaya ee talow qolooyinka ag tuban ma la haligmi doonaan mise way ka hari doonaan. Taariikh ayaa qormaysa”