Sawirro: Laftagareen oo Muqdisho ka tegay xilli ay dadaallo xoogan ka socdaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib safar maalmo badan qaaday oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Si rasmi ah looma shaacin qorshaha safarka uu Baydhaba ugu laabtay Madaxweyne Lafta Gareen, balse waxaa la sheegay inuu qaadan doono laba maalmood, kadibna uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba ee Shaatigaduud, waxaana la sheegay inta uu joogo halkaas inuu kulamo la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Laftagareen ayaa noqday madaxweynihii labaad dib ugu laabtay deegaanada maamulkiisa, iyadoo aan la gaarin heshiis doorasho, waxaana xusid mudan in beesha caalamku ay madaxda Soomaalida u sheegtay in aysan Muqdisho ka tegi karin iyadoo aan la gaarin heshiis doorasho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmo ka hor Dhuusamareeb ku tegay safar qaatay laba maalmood, kadib markii ay ka dhamaatay mudadii uu dastuurka maamulkaas u ogolaa inuu ka maqnaa karo deegaanka, waxuuna dib ugu soo laabtay oo haatan uu ku sugan yahay Muqdisho.

Illaa hadda madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa ku heshii la’ hanaanka loo qabanayo doorashada dalka, waxayna beesha caalamku ku howlantahay sidii loo bilaabi lahaa wadahadalladii fashilmay ee Afisyooni, ayada oo magaalada Muqdisho dadaallo xoogan oo ku aadan in dib loo furo wada-hadallada.