Qoor Qoor: Musharraxiinta ayuu iila mid yahay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah, sida shirkii Afisyoone, cabsida laga qabo in la sameeyo muddo kororsi horleh, cadaadiska xoogan ee ka imaanaya dhanka beesha caalamka iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Wareysigan oo hordhiciisa lasii daayey ayaa Qoor Qoor waxa uu kusoo hadal qaaday xiriirka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaama uu ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee taabacsan Villa Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka aaday haddii uu Farmaajo si rasmi ah ugu dhowaaqo musharraxnimadiisa uu ula mid noqon doono musharraxiinta kale ee sanadkan 2021-ka u tartamaya xilka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) haddii uu murashax hadda waa uun sheeg-sheegee joogtaa hee uu murashax noqdo bannaanka soo istaago musharraxiinta ayuu iila mid yahay.” ayuu ku yiri hordhaca wareysiga lala yeeshay Madaxweyne Qoor Qoor.

Wareysiga uu bixiyey madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda Soomaaliya ay shaacisay in lagu kala tegay wada-hadaladii Afisyoone.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli is mari-wa uu ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee dhacaya sanadkan.