Xog: Waan-waan laga dhex-bilaabay madaxda Soomaalida iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dadaallo xoogan oo ay wadaan dhinacyo kala duwan, kuwaas oo la doonayo in la’isugu soo dhoweeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Dadaallada socda ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay markale miiska wada-hadalka isugu soo noqon lahaayeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyda, si xal loo wada gaaro.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallada iyo waan-waanta socota ay qeyb ka yihiin wakiilada beesha caalamka, siyaasiyiin, hoggaanka ururada bulshada rayidka iyo dhaqanka.

Ilo ku dhow dhinacyada wada dadaalladaasi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada ay ka cagajiidayaan waan-waanta laga dhex-billaabay ee lagu doonayo in dib loogu sii amba-qaado wada-hadallada.

Sidoo kale xubnaha wada dhex-dhexaadinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonto waan-waantooda, isla-markaana ay dib u billaaban doonaan shirarkii u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay fashilmeen wada-hadalladii gogol xaarka ee ka socday Teendhada Afisyoone ee Muqdisho.