Mahad Salaad “Ciddii xiriir la leh Farmaajo, fadlan ha iga gaarsiiso afartaan su’aal”

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa farriin hawada usoo mariyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad Salaad oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa ciddii xiriir la leh madaxweynaha ka codsaday in farriintiisa la gaarsiiyo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso farriinta uu Mahad Salaad doonayo in laga gaarsiiyo Madaxweyne Farmaajo

CODSI: qofkii Madaxweyne Farmaajo xiriir la leh fadlan fariintaan ha iga gaarsiiyo!

Mudane Madaxweyne, sanadihii 2015 – 2016 xarunta ololahaaga doorashada waxay ahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas ayaadna maalin walba fariimo isugu jira handadaad iyo propaganda uga soo diri jirtay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu ku mashquulsanaa difaaca badda Soomaaliya oo dacwadeedu ka socotay Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), cid ilaa hada iska waraysatay ama adiga wax kaa waydiisayna majirto.

Sanadkii 2018 bishii May waxaa degmada Dhoobleey ee gobolka jubada hoose tagay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata isagoo fasax aan soo waydiisan dowlada Soomaaliya, kamana aadan hadlin. Isla sanadkaas siyaasiin Soomaali ah ayaa loo diiday in ay shir ku qabsadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale oo arintaas ka hadlayna wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dacwad usoo gudbisay, qof mucaarad ku ah Farmaajo na uusan shir ku qabsan karin dalka Kenya. Wuxuu sidoo kale sheegay in ADIGA, ISAGA iyo UHURU isku qabiil tahiin mar uu la hadlayay shacabka reer Gaariso.

Sidaas si lamid ah hotelada magaalada Mogadishu waxaa kuu degan Gudoomiye ku xigeenkii hore barlamaanka Kenya Faarax Macalin oo hada kahor yiri Kismaayo iyo Kulbiyoow lagama xukumayo Xamar, maalin walbana idaacadaha la taagan cayda iyo propagandada siyaasiinta reer Mogadishu iyo qabaa’ilada ay kasoo jeedaan. Lacagta ku baxdana laga bixiyo canshuurta laga soo qaado hooyada suuqa bakaaraha Yaanyada ku gada!

Haddaba, su’aashaydu waxay tahay:

1. Shalay Adan Bare Ducaale markii hoteelada iyo maqaayadaha Kenya uu ka xirayay siyaasiinta siyaasad ahaan ku dhaliishan, uuna ku faanayay in aad isku beel tihiin muwaadin Soomaali ah miyuu ahaa maantana ma ajnabi dalka kusoo duulaybaa?

2. Hadii Adan yahay muwaadin Kenyan ah xaqna uusan u lahayn in uu ka hadlo ama yimaado dhulka Soomaaliyeed in ina adeerkiis Faarax Macalin hotelada Mogadishu kuu jiifo, caydeenana lacag aad ku siiyo ma xalaalbaa iyadu?

3. Diyaarad Kenya ka timid oo dad Soomaali ah sida hadii ay tahay ku xadgudub madax banaanida Soomaaliya maxaa xalaal ka dhigay safarkii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ku tagay Dhoobleey oo dhul Soomaaliyeed ah isagoo aan fasax ka haysan dowlada Soomaaliya. Qof dowlada Soomaaliya ka socdana uusan la socon?

4. Ciidamada Itoobiya in ay dadka ku xasuuqaan Baydhabo, doorashadana kuu dhacaan, maalin walbana diyaarad aad usii saarantahay maxaa xalaal ka dhigay Kenyana xaaraan ka dhigay bal iyadana wax nooga sheeg?

Mudane Madaxweyne dadku kaama garasho yara, wax gooni ahna ma dheerid ee xilka laguu dhiibtay ayaa lagugu xurmaynayaa ee xayndaabkaaga sharciyadeed hasoo dhaafin hadii kale qof dadka la siman ayaad noqonaysaa!

Mahadsanid Madaxweyne.

Hon. Mahad Salad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com