Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay gaadiid iyo ciidan ka goostay SOMALILAND

Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada Puntland ee ka howlgala gobolka Sanaag ayaa saaka soo bandhigay ciidamo ay sheegeen inay ka soo goosteen dhanka Somaliland.

Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa Puntland waxa ay sheegtay inay ka tirsanaayeen guutada 93-aad ee ciidanka maamulka Somaliland, kana howlgali jireen deegaanka Ceelbuh gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Warbaahinta Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ciidankaasi uu hogaaminayey, Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo ahaa taliyihii heystay aaga Ceelbuh.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada soo goostay ay haatan ku sugan yihiin Badhan, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta degmadaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan ciidamadaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay soo bandhigto ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland oo ku biiray maamulkeeda gobollada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com