Mahad Salaad: Dowladaha Carabta ee loo gefay raali-gelin ayaan ka siinaynaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka fal-celiyey hadalkii wasiirka warfaafinta Somalia ee ka dhanka ahaa dowlada Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Mahad Salaad oo war qooraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayaa shaaca ka qaaday in rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabada xigtay ee ay qaaday dowladda aan lagu dadi karin been iyo tororog, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo,” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu raalli-gelin siinayo dowladaha Carbeed ee uu xildhibaanku sheegay in loo gefay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale xusay in dalalka Carbta ay abaal weyn ku lee-yihiin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay gacan u fidiyeen sanadihii u dambeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay eedeymo culus u jeedisay dalka Imaaraadka oo si adag uga hadlay rabshadihihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

Raaligelin naga guddooma, dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kalena yuusan idin niyadjebin!

Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo. Waxaan mar kale ku celinaynaa in dambiileyaasha dagaal ee shacabka gumaaday shuruucda dalkana ku tuntay cadaalada si degdeg ah loo horkeeno.

Dowladaha Carabta walaalaha aan nahay ee loo gafay sharaftooda raaligelin ayaan ka siinaynaa aflagaadada, beenta iyo barobagaandada Farmaajo iyo kooxdiisa qaaqleyaasha ah soo dhoodhoobeen. Dadka Soomaaliyeed waa idiin ogsoonyihiin abaalka aad u gasheen iyo sidii gobonimada lahayd ee aad u soo garab istaagteen xiliyadii aadka u adkaa. Xasuus wanaagsan ayaanan idinkaga haynaa samaha aad noo gasheen. Waxaan idinka codsanaynaa in aysan idin niyadjebin dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kale, dalkiisa iyo dadkiisana dambiyo dagaal ka galay.

Hon. Mahad Salad