Mid ka mid ah fannaaniintii ugu caansanaa Somalia oo Muqdisho ku geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faadumo Cali Nakruuma, oo aheyd fanaanad caanka ah oo ka tirsan Hobolada Waaberi ayaa Allaha u naxariiste maanta ku geeriyootay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Marxuumada oo maalmihii u dambeeyay xaalad caafimaad oo la xiriirta cudurka safmarka ah ee Coronavirus loo dhigay isbitaalka Martiini, ayada oo ugu dambeyntiina uu si weyn usoo ritay, islamarkaana sababay geerideeda.

Allaha u naxariista Faadumo Nakruuma ayaa waxay aheyd Fanaanad qaran oo kamid aheyd tiirarka fanka Soomaaliyeed, sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo war kasoo saaray geerida marxuumada.

Rooble ayaa ugu horeyntii geerida Faadumo Nakruuma uga tacsiyadeeyay qoyskeeda, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku sifeeyay Fanaanad qaran oo kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka iyo wacyi gelinta Bulshada.

“Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada,” ayuu ku yiri Rooble qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Faadumo Nakruuma ayaa kamid noqoneysa hobolo iyo mas’uuliyiin caan ah oo cudurka Coronavirus usoo ritay kuwaasi oo ugu dambeyntii ugu geeriyooday gudaha dalka iyo dibadiisa.