MAHAD Salaad oo jawaab aan la fileyn ka bixiyey gafkii Museveni ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab yaab leh ka bixiyey hadalkii madaxweynaha Uganada Yoweri Museveni ugu gafay dadka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo taageeray islamarkaana sheegay inuu sax yahay.

Museveni ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa.

Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya, waxaana dad badan ay arkeen tani inay tahay arrin ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu diido.

Si kastaba, Mahad Salaad ayaa u muuqda inuu uga faa’iideysanayo arrintan loolanka iyo dagaalka siyaasadeed ee uu ku hayo xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Hoos ka aqriso jawaabta Mahad Salaad uu soo dhigag faceboob

Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN!

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa yiri: Waxaa jira waddamo badan oo aan lahayn dawlad. Way joogaan, laakiin ma haystaan ​​hay’ado abaabulan oo maamula, Soomaaliya ayaana mid kamid ah kuwaas!

Tani waxay daliil cad u tahay siyaasad xumida Nabad iyo Nolol iyo faham la’aanta ka heysata siyaasada arimaha dibeda iyo loolanka siyaasadeed ee kajira Geeska Africa oo u baahan in si foojigan oo miyir qabta looga baaraan dago, si aan loogu dhicin qorsheyaasha iyo danaha isdiidan ee quwadaha waaweyn iyo kuwa Geeska Africa ee ku wajahan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN sidaas daraadeed waxaan kugula talinaynaa Mudane Madaxweyne in dalkaan iyo dadkaan loo turo, lagana daayo siyaasadaan qar iska tuurnimada ah ee aad ku maamulaysaan!

#وما_خفي_أعظم.
Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad