Faahfaahin cusub oo laga bixiyey qaraxii Muqdisho iyo khasaraaha + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo maanta ku qarxay afaafka hore Kaalin Shidaal oo ku taalla agagaarka Xaruntii hore ee Baarlamaanka.

Laba Qof ayaa ku geeriyootay shan kalana way ku dhaawacantay Qaraxaasi sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka dhanka Ammaanka gobolka Banaadir.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano iyo howlgallo, islamarkaana qaraxaasi uu ahaa mid si hoose goobta loo soo galiyay.

Gaariga qarxay ayaa yaalay goobta gaadiidka la dhigto ee Kaalinta, waxaana qaraxa gaariga uu saameeyay goobta Kaalinta Shidaalka oo dab uu qabsaday.

Lama oga cidda meesha dhigtay gaarigaasi kadibna ka tagtay iyo cid si rasmi ah loola beegsaday qaraxaas, inkastoo Booliska oo meesha tagay ay wadaan baaritaan.

Hoos ka dhageyso Tuulax

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com