Hal shaqsi ayaa faa’idada ugu badan ka helay shirka dib u heshiisiinta Garowe

Waxaa magaalada Garowe ka dhacay shirar sulux ah oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Federal-ka ah iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah.

Shirkaas waxa uu daba socday calaameemo saarkii Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdullahi Siciid Deni laba habeen kahor Garoowe loogu sameeyey.

Sida ay Soomaalida oo dhan qabtay, xafladdaas waxa ay ahayd fursad qaali ah oo looga faa’iideysan karo isu keenidda madaxda Soomaalida ee is khilaafsanaa.

Waxaa qabsoomay laba kulan oo lagu turxaan bixiyey inihii khilaafka taas oo u muuqata in bilo ugu yaraan laga nasan doono.

Hase ahaatee, hal shaqsi ayaa faa’iidada ugu badan ka helay shirkaas waana hogaamiyaha maamulka Kismaayo ku kooban Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu ahaa mid aan cago badan ku taagneyd oo ay dowladda ka shaqeeneysay sidii ay u dhaafin lahayd maamulka Jubbaland ee uu la dagay.

Hase ahaatee, waxa ay u muuqataa in is afgaradkan uu ku helay fursad oo uu xoogaa inta waqtiga uga dhiman ku nafiso.

Haddii heshiis la gaaro, waxaa suurta-gal ah in dowladda Axmed Madoobe is-fahmaan, taasi oo xukunka usii dheereyn kartaa hogaamiyaha Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa dhowr mar isku dayey in isaga iyo dowladda la dhex-galo, isaga oo wafti ka socda Soomaalida Kenya ay kasoo ergeeyeen marii ay dhowaan yimaadeen Muqdisho.

Si kastaba waxaa se is weydiin mudan, Axmed Madoobe ma yahay mid la aamini karo?

Waxaa hubaal ah in ay adkaan doonto in Madoobe lagu aamino in uu doorasho nadboon ka qabto Kismaayo marka waqtigiisa dhamaamdo ama uu si wanaagsan ula shaqeeyo dowladda.

Walow ay neefta ka soo fuqday, hadana waxaa hubaal ah in dowladda ay si gaar ah arrintaas u fiirin doonto oo aysan ku kadsoomi doonin laba wajiile nimadiisa.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid